U bood dhigaalka

Kulan Dhexmaray Iskaashatooyinka Muqdisho iyo Wasaaradda Hawlaha Guud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamed Cusmaan Shuuriye
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamed Cusmaan Shuuriye

Kulan balaraan oo ay maanta yeesheen iskaashatooyinka Muqdisho iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dhawri lahaa xuquuqda shaqaalaha muruqooda ku shaqaysta iyo sidii looga shaqayn lahaa badqabkooda.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Maxamed Cusmaan Shuuriye oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegey in wasaaradiisa ay gacanta ku heyso sharci ka hadlaya shaqaalaha iyo iskaashatooyinka kaasi oo laga tixraaci doono, loona tiigsan doono wixii la xiriira xuquuqaha shaqaalaha muruqooda ku shaqaysta.

Wuxuu sheegey in adduunka guud ahaan iskaashatooyinka ay laf dhabar u yihiin horumarka iyo dhaqaalaha wadamada adduunka.

Wasiir ku xigeenka ayaa tibaaxay in dadka iskaashata ka tirsan oo dhan ay hoos tagaan wasaaradda hawlaha guud, isagoo intaasi ku daray in guddoomiyeyaasha shaqaalaha ay yeeshaan kulamo joogto ah.

Kulankani ayaa waxa uu yimid kadib shilal ka dhacay xagga carro kaawada oo ay ku dhinteen dad ka shaqaynayay.

Iyada oo hawlaha dhismaha ee dalka ay aad u kordhayaan ayaa waxa aysan Soomaaliya lahayn sharciyo dhawraya xuquuqda dadka muruqooda ku shaqaysta ee Soomaalida ah iyada oo in badan lasoo wariyo in lagu tunto xuquuqda shaqaalaha, waxaana mararka qaar dhacda in dad ajaaniib ah la siiyo shaqooyin ay u baahanyihiin dadka Soomaalida.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News