U bood dhigaalka

Kulan Ka Dhacay Baladweyne Oo Lagu Sheegay In Maamul Goboleed Loo Dhisayo Gobolka Hiiraan Kaliya (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Kulan lagu diidan yahay qaabka loo qeybiyay baarlamaanka maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan, qaar kamid ah ugaasyada gobolka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka qeyb galay kulankani oo maanta duhurnimadii ku soo idlaaday Baladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa sheegay in dadka deggan gobolka Hiiraan aysan wax talo ah ku lahayn shirka Jowhar isaga oo carrabka ku dhuftay in sida wax loo qeybsaday ay qalad tahay, isagoo ku dooday in dastuurka uu xaq u siinayo hadba sida ay rabaan. wuxuuna sheegay in maamul ka madaxbannaan shaqada ka socota Jowhar inay u dhisanayaan gobolka Hiiraan kaliya.

“Dowladda Federaalka way ka gardaran tahay reer Hiiraan, wayna diiday dowladda in dadka shacabka ah la tixgeliyo oo iyaga door laga siiyo maamul u sameynta labadani gobol” ayuu yiri guddoomiyaha Hiiraan.

Waxaa kaloo guddoomiyaha Hiiraan uu sheegay in aysan socon Karin in dowladda si juujuub ah ay ku dhisto maamul goboleedka labada gobol arrintaas oo uu ka digay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in magaalada Baladweyne dhowaan uu ka furmi doono shir maamul loogu sameynayo gobolkaasi kaliya kaas oo ah maamul goboleed uu yeesho Hiiraan, isagoo ku goodiyay in guddiga doorashada ee reer Hiiraan haddii ay si degdeg ah u imaan waayaan magaalada Baladweyne oo ay uga soo tegi waayaan Jowhar in xubin kasta uu ku bedalayo nin kale oo ku qabiil ah.

Kulankani maanta lagu shaaciyay in gobolka Hiiraan maamul goboleed gaar ah loo sameynayo waxaa ku sugnaa marka laga soo tago qaar kamid ah Ugaasyada reer Hiiraan xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-17 shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-19 shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-3 shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-6 shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-7 shirka-maamul-u-sameynta-hiiraan-8

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada