U bood dhigaalka

Kulan Ku Saabsan Sharciga Maamulka Dakhliga iyo Dhiirigelinta Canshuur Bixin

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho ka dhacay munaasibad lagu shaacinayey ahmiyada sharciga dakhliga iyo dhiirigalinta casnhuur bixiyayaaasha, taas oo ay soo agaasinatay wasaaradda Maaliyaddu Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadaa, Culimo owdiinka, aqoonyahao, Ganacsatada, Haweenka iyo marti Sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadan oo lagusoo bandhigayey faa’iidooyinka sharciga dakhligu uleeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Munasabaddan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay kororka uu sameeyay dakhliga gudaha muddooyinkii ugu dambeeyay taasi oo ay sheegtay wasaaradda Maaliyadda in ay sabab u tahay canshuuraha gudaha iyo ganacsatada oo fahmay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdulaahi Sheekh Cali (Qolocoow) ayaa waxa si weyn uga hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Wasaaradda iyo halka ay maanta joogto uu ku tilmaamay meel wanaagsan, waxaana u xusay dadaalka iyo taageerada madaxda ugu sareysa dalka la garab istaageen hogaanka Wasaaradda si loo xaqiijiyo waxyaaba maanta lagu faanayo.
Sidoo kale howl wadeenada Dakhliga ee wasaarada maaliyadda ayaa uga mahadceliyey dadweynaha sida ay wanaagsan ee ay u bixyaan canshuuraha. Inta ay socotay munaasabadan ayaa waxaa hab sugaaneed loogu soo bandhigay ahmiyada ay bixinta canshuurtu u leedahay marka laga hadlayo wax ka qabashada dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Munaasabada ayaa sidoo kale intii ay socotay waxaa shahaadooyin isku jiray abaalmarin iyo dhiirigalin lagu gudoonsiiyey qaar ka mida ah ganacsatada Soomaaliyeed, Agaasimiyaasha waaxaha dakhliga, canshuuraha iyo howlwadeenada ka shaqeeya qeybaha kale Maaliyadda dalka.

Dabayaaqada Bishii Oktoobar ee sanadkaan ayuu Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga dalka.