U bood dhigaalka

Kulan Lagaga Hadlayey Amniga Mudug Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan lagaga hadlayey amniga iyo xasilinta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaa kulankaan ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug, saraakiil ciidan, xubno ka socday UNSOM.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa diiradda lagu saaray sidii loo tayeen lahaa ciidamada ka shaqeeya ammaanka gobolka oo ay ugu horreeyaan kuwa isku dhafka ah ee Booliiska, una heli lahaayeen dhammaan agabyadii  ay ku shaqeyn lahaayeen iyo xarumahii ay ku howlgeli lahaayeen.

Sidoo kale, kulankaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga iyo xasilinta gobolka Mudug.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa dedaal ugu jira sidii loo heli lahaa nabad ka dhex dhalata shacabka gobolka Mudug, kadib dagaallo marar badan dhexmaray.

Goobjoog News