U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Doorka ay Dumarka Ku Leeyihiin Warbaahinta iyo Sida Lagu Xoojin Lahaa oo Muqdishu Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka Saxafiyiinta ee SWJ ayna gacan ka geysatay hay’adda  Relief International ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu.

Kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka SWJ Farxiyo Kheyte iyadoo ka hadashay dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha Saxafiyiinta sida: Magac shaqo ku badalasho, dhibaatooyin jireed, bulshada oo gabdhaha Saxaafadda ku jira ka aaminto fikrado qaldan, Maamulayaasha oo aan aaminsaneyn in gabdhaha u shaqeyn karaan sida gabdhaha iyo gabdhaha Saxafiyiinta ah oo aad u aqoon yar.

Kulanka waxaa ka hadlay Saxafiyiin badan oo gabdho u badan kuwaas oo ka sheekeeyay dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmeen shaqadooda Saxaafadda.

Dhinaca kale, Waxaa kasoo qeyb galay Kulanka qaar ka mid ah agaasimayaasha warbaahinta Maxaliga kuwaas oo difaacay kaalinta gabdhaha ee Saxaafadda.

Kulanka waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay NUSOJ, INXA, IIDA, Wasaaradda Warfaafinta iyo Raadiyaasha Goobjoog, Shabeelle, Mustaqbal iyo hay’ado kale.

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha waxaa la iska gartay kaalinta haweenka Saxafiyiinta ah iyo sida loogu baahan yahay gabdho aqoon leh oo kusoo baxa Warfaafinta.

DSCF0424 DSCF0155 DSCF0310 DSCF0362