U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Horumarinta Shaqada Isbitaalka Degmada Afgooye Oo Maanta Degmadaas Lagu Qabtay

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta isugu yimaadeen degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose maamulka degmada, guddiga Isbitaalka degmada iyo ururrada bulshada ayaa looga hadlay xaaladda isbitaalka guud ee degmadaasi Afgooye.

Agaasinka isbitaalka Afgooye Nuur Cumar Mayoow aya shegay in Muhiim ay tahay in qof Waliba ay Masuuliyad ka saran tahay inu Gacan ka geysto isbitaalkaasi oo ah Mid Si bilaash ah dadka ugu adeega.

Ururrada bulshada oo kulanka ka hadlay ayaa maamulka degmada ku dhaliilay shaqada maamulka isla markaana sheegay in lacagaha canshuuraha uusan waxba ugu qaban goobaha adeegyada bulshada ee degmadaasi.

Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada Afgooye Cabdullaahi Xasan Cabdi(Toogane) oo isna kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Isbitaalka guud ee magaalada Afgooye.

Mar uu ka jawaabayay dhaliilaha bulshada uga yimid ayuu ballan qaaday in ay sameyn doonaan kulan kale si ay ugu soo bandhigaan halka ay ku bixiyaan canshuuraha ay degmada ka aruuriyaan.

Si kastaba qeybihii kala duwnaa ee Kulankasi soo xaadiray ayaa balanqaday in gacan ay ka geysan doonan horumarinta isbitaalkaasi oo Muhiim u ah bulashada Afgooye iyo degaanada Ku xeeran.