U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Howlgallada AMISOM Oo Ka Dhacay Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Shalay Jimcihii waxaa magaalada Adis Ababa, xarunta midowga Afrika lagu qabtay kulanka 25aad ee guddiga qaabilsan howl-galka AMISOM ee Soomaaliya, kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen midowga Afrika, waxaa goobta joogay taliyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya sida (Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Nigeria and Uganda).

Kulanka waxaa looga hadlay ammaanka iyo sidii ilo dhaqaale loogu heli lahaa AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka, waxaa kale oo la sheegayaa in Al-shabaab weli yihiin khatar dhanka ammaanka ah, waxaa kale oo looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa sidii ciidamada Soomaalida ay ammaanka kala wareegi lahaayeen AMISOM. 

Guddiga waxaa uu isku raacay in weerar iyo howlgal ballaaran la qaado iyada oo la soo jeediyay in dhinacyada kala duwan sida Midowga Afrika, AMISOM, T/PCCs iyo UNSOS kulan gaar ah ka yeeshaan khatarta Al-shabaab iyo Lojistikada dagaalka ee loo baahan yahay, waxaa kale oo kulanka looga hadlay in la xoojiyo tababarka la siiyo ciidamada Soomaalida si awood ugu helaan la wareegidda ammaanka.

 Kulanka dhammaadkiisa waxaa la soo jeediyay in ay muhiim tahay wada-shaqeynta ciidamada Soomaalida iyo midowga Afrika iyo in howl-gallada iyo qorshayaasha laga mideeyo dhinac walba si xitaa marka dambe u fududaato xil wareejinta.

Waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabtay shir kale oo ammaanka 4ta December si looga hadlo arrimaha la xiriira sidii ciidamada Soomaalida ay xilka ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

Goobjoog News