U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Aayaha Galmudug Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Wasiirada Jaaliyadaha iyo qorsheynta ee maamulka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay ayaa kulan looga hadlayay aayahay Galmudug waxay la qaateen jaaliyadda maamulkaasi ee ku dhaqan Kenya, kuwaasi oo isugu jiray Odayaal, waxgarad, Haween, Culimo iyo dhallinyaro.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeybgalay kulankaasi ayaa ugu horeen wasiirada kusoo dhaweeyay magaalada Nairobi, iyaga oo muujiyay qaabka uu haatan u shaqeynayo maamulka Galmudug.

Waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaagga maamulkooda, islamarkaana ay aad ugu riyaaqsan yihiin hanaanka maamulkooda u shaqeynayo.

“Waxaan ku faraxsannahay Galmudug oo maanta maraysa meeshii ugu wanaagsaneyd oo ay hanatay wixii muddo badan usoo taamaysay, usoo halgameysay, waxaan ka mid nahay dadkii usoo halgamay oo usoo dhibtooda maamulkaan, waxaan leenahay shaqadiina halkaasi kasii wada” sidaasi waxaa tiri mid ka mid ah Haweenkii halkaasi ka hadlay.

Wasiirka Jaaliyadaha iyo maalgashiga maamulka Galmudug Xuseen Sheekh Nuur iyo wasiirka qorsheynta Iskaashiga caalamiga ee maamulkaasi Maxamecd Cilmi Afrax Mideeye ayaa hadal ay ka jeediyeen kulankaasi waxay ugu baaqeen in jaaliyadaha ay ka qeybqaataan horumarka Galmudug, kana fikiraan aayaha maamulkooda.

Goobjoog News