U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Amniga oo Lagu Qabtay Kaaraan

Sheeko:Amniga

Xurunta degmada Kaaraan ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayey amniga degmada, gaar ahaan sidii looga shaqeyn lahaa arrimahaas, maadaama Kaaraan ay ku soo batadeen kooxo hubeysan oo shacabka degan dhac u geysta .

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeryb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Cumar Filish, xildhiobaanno labada goleah, saraakiil ka trsan ciidamada qalabka sida iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulan amniga looga hadlayey  oo lagu qabtay Degmada Kaaraan ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin shaqsiyaadka danaha gaar ah ka leh ee degmada kuwaas uu ku tilmaamay qaswadayaal.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Karaan ayaa muddooyinkaan waxaa ay ka cabanayeen amini darro ay sheegeen in ay degmada ka jirto, xiliyada qaar siiba habeenkii, kuwaas oo lid ku ah amniga iyo xasiloonida degmada.

Goobjoog News