U bood dhigaalka

Kulan looga hadlayay doorka dhallinyarada ee kaga aaddan dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay aqoon is weydaarsi ku saabsan sida dhallinyaradu ay uga qayb qaadan karaan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, waxana soo qaban qabanqaabiyay Xarunta Ifiye oo gaashaneysa wasaaradda arrimaha dastuuka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Aqoon iswaydaarsigan oo ay ka qayb galayn qaar kamida dhallinyarada Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Benaadir , aqoon isweydaariskan ayaa ujeedadiisu tahay wacyigelinta dhalinyarada in la baahiyo waxbarashada madaniga ah si dhalinyarada laga qeyb galayo hawsha dib u eegista dastuurka si lee helo farriin midaysan oo ku saabsan dastuurka dalka oo dhalinyardu qeyn ka yihiin.

Inta uu kulanka socday ayaa la isku weydiiyay su’aalo ku qotoma doorka dhalanyarada iyo hanaanka dib u eegista dastuurka somaliya lana weydiinayay qaar ka mid ah bulshada rayidka ee kulankaasi qeybta ka ahaa iyo xubno ka socday wasaaradda dastuurka.

ugu danbeynna dhalinyarada ka soo qeyb gashay ayaa soo gudbiyay talooyin iyo aragtiyo qiimo leh oo ay ku biiriyeen geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka dalka.