U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Waxbarashada Gobalka Hiiraan Oo Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa lagu qabtay kullan ballaaran, kaasi oo looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa waxbarashada gobalka Hiiraan.

Kullankaan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka magaalada Baladweyne, waxaana ka qeybgalay ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaalla magaaladaasi, iyadoo sidoo kale kulankaasi ay ka qeybgaleen aqoonyahanno iyo macallimiin wax ka dhiga Baladweyne.

Ugu horeen waxaa halkaasi hadal ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Baladweyne, Bashiir Xuseen Dhoore, waxaana uu sheegay in aqoonta ay tahay midda kaliya ee dalka lagu horumarin karo.

“Labada nin kaliya ee soo bartay Solar Energy ee Soomaaliya waxay ahaayeen reer Baladweyne, hadii aad wax barataan dalka ayaad wax u tareysaan, gobalkaan aad u jeedaan waxaad ku hormarin kartaan aqoonta aad barateen, waxaad arkeysaa dhalinyaro dalkii ka tahriibaysa ama kuwo dhibaatada ka shaqeynaya, laakiinse waxaan idiin sheegayaa dalkaan inaad idinka leedihiin” ayuu yiri Gudoomiye Bashiir.

Macallimiintii iyo ardaydii kulankaasi ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda waxay sheegeen in ay u istaagi doonaan sidii aqoontooda ay wax ugu qaban lahaayeen gobalka, kana shaqeyn lahaayeen horumarka gobalka Hiiraan.

Goobjoog News