U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Saameynta Federaalka Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa lagu qabtay kullan ballaaran oo aragti la’isku weydaarsanayay, kaasi oo looga hadlayay saameynta Federaalka iyo arimo kale oo muhiim u ah nidaamkaasi.

Waxaa kulankaan soo abaabulay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo, waxaana diiradda lagu saarayay saameynta Federaalka uu ku yeelan karo shacabka wada degan gobalka Mudug.

Dhalinyaradii ka qeybgashay kulankaan ayaa sheegay in Federaalka uu dhibaato ku yahay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dalka oo dhan aanu u wanaagsaneyn.

Gudoomiyaha dhalinyarada Galmudug Cabdiraxmaan Nadaara oo ugu horeen halkaasi hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in ka dhalinyaro ahaan ay Federaalka u arkaan caqabad cusub oo dalka soo wajahday.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in muhiim ay tahay in wax la’iska weydiiyo saameynta Federaalka uu ku yeeshay gobalka Mudug, islamarkaana kulankaan ay u qabteen si dhalinyarada ay isku weydaarsadaan aragtidooda, aqoontoodana ay banaanka usoo bixiyaan.

Goobjoog News