U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Soo Xulista Ergada Oo Gaalkacyo Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Kulankaan maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo qabanqaabiyay qaar kamid ah odayaasha saxiixayaasha.

Odayaasha saxiixayaasha ah ayaa kulankani la qaatay waxgaradka iyo nabadoonnada beelaha Galmudug ee gobolka Mudug waxayna kala hadleen sidii loo heli lahaa ergada islamarkaana howsha loo fududeyn lahaa.

Garraad Aadan Cilmi(Qoorweyne) oo kamid ah odayaasha 135-ta ah ee saxiixayaasha ah ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo waxgaradka ay kula kulmeen ay kala hadleen inay soo dedejiyaan ergada inay ku soo xulaan.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 04-10-2016 waxaa magaalada Gaalkacyo kula kulannay annagoo ah odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah waxgaradka beelaha gobolka Mudug waxaana kala hadalnay ergooyinka inay si degdeg ku soo xulaan, waxaana u sheegnay oo u faahfaahinnay howsha sida ay ku soconayso” ayuu yiri Garraad Aadan Cilmi

51 ergo ayay saxiixayaasha kulanka ka hadlay sheegeen 16 ay haweenka leeyihiin 10-na dhallinyarada halka 25 kale ay odayaal noqonayaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ururka haweenka Galmudug Faaduma Jaamac Qaran ayaa sheegtay inay taageersan yihiin in ergada haweenka saami laga siiyay sidaas oo kalena ay rajaynayaan inay soo galaan baarlamaanka.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka soconaya kulamo ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta doonaysa inay kamid noqdaan baarlamaanka federaalka ee dowladda cusub, kuwaasoo hadda maraya meel gebogebo ah.

Goobjoog News