U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Xoojinta Amniga Oo Ka Dhacay Cadaado(Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wafdiga oo ka koobnaa abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, Taliyaha guud ee AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Mudane Cumar Cabdulle (Cumar Dhageey) iyo saraakiil kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxda Galmudug, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga magaalada Cadaado iyo habsami u socodka doorashada, waxaana sidoo kale ay kormeereen xarumaha loo diyaariyay Ergada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Mudane Cumar Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa sheegay in tallaabooyin fiican hore loo qaaday, waxaana taliska AMISOM uu ka codsaday inay ka qayb qaataan amniga meelaha loo qoondeeyay.

“Waxaa muuqanaya in si fiican looga shaqeynayo howlaha doorashada Galmudug runtii oo maantadan aan joogno magaalada Cadaado inoo muuqanaya” ayuu yiri guddoomiyaha doorashooyinka Soomaaliya.

Gaashaanle sare Maxamed Cilmi Habane Taliyaha qaybta 4-aaad ee AMISOM ee Gobollada dhexe ayaa isna sheegay in dhowaan ay magaalada Cadaado soo gaari doonaan Ciidamo AMISOM ka socda si ay nabadgalyada uga qayb qaataan.

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in nabadgalyada deegaannada Galmudug ay tahay mid wanaagsan, hase yeeshee ay taageero amni u baahan yihiin xilligan xasaasiga ah.

Dhanka kale, wafdigani ayaa qeyb waxaa ka ahaa saraakiil ammaanka qaabilsan oo Maraykanka ka socotay.

04 01-1 02 03

Goobjoog News