U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Abaaraha Galmudug Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayay abaaraha ka jira Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo arrimo badan oo abaaraha ah lagu falanqeeyay.

Waxaa kulankaan oo ay isugu yimid mas’uuliyiin ka kala socotay deegaannada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Mudug ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu hayso.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa ka wada sinnaa in xaaladda dadka ku dhaqan deegaannada Mudug ay yihiin kuwo aad u daran loona baahan yahay gurmad degdeg ah oo lala gaaro.

Guddoomiyaha deegaanka Ceeldibir ee gobolka Mudug oo si kooban kulankaasi uga hadlay ayaa sheegay in dadku aysan haysan raashiin iyo biyo oo ah waxa ugu daran ee nolosha.

Waxay hadda sheegeen in waxa loo baahan yahay tahay gurmad degdeg ah oo dadkaasi lala gaaro, hadii aan wax loo qabanna ay xaaladdu kasii dari karto.

Abaaraha ka jira gobolka Mudug waxay saameyn xooggan ku yeeshaan dadka reer Miyiga ah, waxaana uga dhammaaday xoolo badan.

Goobjoog News