U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Dalka Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Habeenkii xalay ahaa waxaa kulan degdeg ah oo amniga looga hadlayey uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliiska.

Kulankaan oo saacado qaatay ayaa waxaa shir gudoominayey madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ugu horeen looga hadlay qaraxyadii ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliiska Soomaaliya ayaa kulankaasi waxaa looga dhageystay warbixinno la xiriirta qaraxyadii dhacay iyo sidoo kale xaaladda amni ee dalku marayo.

Shirkaan ayaa la sheegay in waxyaabaha lagu go’aamiyey ay ka mid tahay in la sameeyo howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo Xarakada Al-shabaab kaasi oo hormuud ay ka noqonayaan madaxda sare ee dalka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta dowladda kullankaasi ka dib ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in la’isku raacay in la qaado howlgallo ka dhan ah Al-shabaab loogana hortagayo weerarada Xarakada Al-shabaab.

Qaraxyo khasaare badan geystay islamarkaana mas’uuliyaddoodu ay sheegteen Al-shabaab ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Goobjoog News