U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Garoomada Diyaaradaha Deegaannada Galmudug Oo Lagu Qabtay Cadaado

Sheeko:Dalka

kulan looga hadlayay sara u qaadista tayada xafiisyada Baasaboorada iyo amniga garoomada deegaannada Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen maamullada garoomada diyaaradaha magaalooyinka Gaalkacyo, Hobyo, Cadaado, Caabud-waaq iyo Guriceel ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa madaxa Baasaboorada Deegaannada Galmudug.

Taliyaha qeybta socdaalka iyo jinsiyadaha maamulka Galmudug Sugaal Yuusuf Kaahiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ulajeedka kulankani yahay sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyo sidii ay tababaro dheeraad ah ku heli lahaayeen shaqaalaha ka howlgala garoomada diyaaradeed ee deegaannada Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay tagi doonaan wafdi ka socda waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowladda Federaalka iyo sidoo kale hay’adda IOM, kahorna ay is sii diyaarin doonaan.

Goobjoog News