U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Gobolka Bari Oo Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey amniga guud ee gobalkaasi, kaasi oo ay ka qeybgaleen saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Bari  Axmed Cali Cabdulaahi Ciro oo ugu horeen saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin kala saar shacabka Boosaaso ah, islamarkaana cid walbo oo ku sugan magaaladaasi loola dhaqmi doono si isku mid ah.

“Dadka Boosaaso ku nool cid waxyeelaynaysa hanitooda iyo naftooda malahan haka yimaadaan Koonfur, Gobollada Dhexe ama Kililka Shanaad” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay qabteen nin ka tirsan Al-shabaab una dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyadda Oromada.

Waxa uu tilmaamay in ninkaasi uu watay Bistoolad uuna doonayey inuu dad dilo waa sida uu hadalka u dhigaye, balse ay iyagu gacanta ku hayaan ninka iyo Bistooladdiisa.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen gaadiid waday rag ka tirsan Al-shabaab iyo hubkooda kuna sii jeeday Buuraha Goolis.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab xilli Mudug iyo Nugaal ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Puntland.

Goobjoog News