U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Gobolka Gedo Oo Ka Dhacay Degmada Luuq

Sheeko:Dalka

Kulan ballaaran oo looga hadlayay amniga guud ee gobolka Gedo iyo sidoo kale dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa lagu soo gabagabeeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana kulankaasi isugu yimid wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan, saraakiisha ciidamada ee Gedo iyo maamulka Gobolkaasi.

Wasiir Janan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in laga wada shaqeeyo ammaanka guud ee gobolka Gedo, sidoo kalena lala dagaallamo Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay wasiirka iney socdaan qorseyaal ballaaran oo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab, si deegaannada Jubbaland looga saaro waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Kulanka waxa uu ahaa mid diiradda lagu saarayey amniga, Jubbaland waxa ka go’an iney Al-shabaab ka saarto deegaannadeed, sidoo kale waxaa jira qorsheyaal badan oo wax looga qabanayo Argagaxisada” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan ku celcliyey iney la dagaallami doonaan Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay diyaar u yihiin in deegaannada gacantooda ka maqan ay soo ceshtaan.

Goobjoog News