U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Amniga Iyo Horumarka Mudug Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug, hay’adaha ammaanka iyo dhallinyarada gobolka Mudug ayaa maanta maagaalada Gaalkacyo waxay ku yeesheen kulan ballaaran oo looga hadlayey horumarka iyo ka qeybqaadashada amniga gobolkaasi.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, waxaana la isla gartay qodobo aad ugu muhiimsan horumarka iyo sugista ammaanka ee deegaannada gobolka Mudug.

Cumar Maxamed Cabdi, agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug oo ugu horreyn kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dhallinyaro ahaan ay kaalin xooggan ka qaadan doonaan amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

“Dhallinyaradu dhan wey diyaarsan yihiin, waxaan diyaarinnay dhallinyaro aqoonyahanno ah oo diyaar u ah iney la shaqeeyaan maamulladooda, waxaa loo baahan yahay in laga faa’ideysto, muhiimaddu waa in la wada shaqeeyo, dhammaan dhallinyarada gobolka Mudug waxay wasaarada fareysaa iney la shaqeeyaan guddoomiyaha Mudug” ayuu yiri Agaasime Cumar.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, C/rashiid Xaashi Cartan oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in muhiim ay tahay in bulshada ay la shaqeeyaan maamulka si loo xoojiyo ammaanka.

“Amnigu wuxuu ku imaan karaa bulshada iyo maaamulka markii ay wada shaqeynayaan, waxaa inoo sahlanaaneysa in la xaqiijiyo amniga, horumarka iyo amniga waa ay isku xiran yihiin, haddii amniga la helo guud ahaan gobolka oo la wada shaqeynayo waxaa imaanaya amni ay dadka oo dhan ku diirsadaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Kulankani looga arrisanayey xaaladda amni iyo midda horumar ee Gobolka Mudug ayaa looga gol lahaa sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen bulshada iyo maaamulka gobolkaasi.

Goobjoog News