U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Fataahaadda Wabiga Shabelle Oo Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa fatahaadda Wabiga Shabelle ka sameeyay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Waxaa kualankaan isugu yimid maamulka Gobolka Hiiraan, kan magaalada Baladweyne iyo hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala magaaladaasi.

Intuu uu kulankaan socday waxaa diiradda lagu saaray sidii maamulka Hiiraan iyo hay’adaha samafalka ah isaga kaashan lahaayeen wax ka qabasahda Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Kulanka kadib waxaa saxaafadda la hadlay duqa magaalada Baladweyne waxa uu sheegay in la sameeyay guddi degdeg wax uga qabta xaaladaha nolosha ee ka dhalan kara fatahaadda, waxaana guddigan uu ka kooban yahay 13 qof oo isugu jira maamulka gobolka Hiiraan iyo Hay’adaha samafalka.

“Waxaan ka wada hadalnay dhibaatada ka jirta Baladweyne, guddi ayaa loo saaray oo ka kooban hay’adaha iyo maamulka, waxaan rajeynaynaa in degdeg wax lagu qabto, meelihii biyo celin laga sameyn karo in laga sameeyo, dadka guryahoodu fatahaadda saameysayna la geeyo meelihii ay tagi jireen lagama war haayo” ayuu yiri Duqa Baladweyne.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Baladweyne kaasi oo saameyn ku yeeshay qoysas badan oo ku dhawaa xaafadaha saaran Wabiga.

Goobjoog News