U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Nabadda Oo Ka Dhacay Deegaanka Dhumay, Sool

Sheeko:Amniga

Deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ay la kulmeen waxgaradka deegaankaasi.

Waxyaabaha ay ka wadhadleen ayaa ah sida loo helo karo xal waara oo ka dhasha deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Sool iyo iney nabadda qaataan beelihii dagaallamay.

Sidoo kale, waxgaradkan ayaa soo dhoweeyey kulanka magaalada Jigjiga uga socda waxgaradka Labadii beel ee ku dagaalantay gobolka Sool.

“Waxaan qaadannay taladii iyo nabadda ay soo jeediyeen waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay in wax walbo lagu dhammeeyo is faham iyo walaalnimo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Dhumay.

Dagaal dhiig badan uu ku daatay ayaa ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, waxaana socda dedaallada lagu xallinayo dagaalladaasi.

Goobjoog News