U bood dhigaalka

Kulan looga hadlayo tacadiga Haweenka oo Muqdisho ka furmay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan socon doona muddo Sedax maalin, kaa oo looga hadli doono Gudniinka Gabdhaha iyo sidoo kale guurka qasabka ah ee Gabdhaha aan qaan gaarin.

Kulankaan waxaa isku soo daba riday wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta xukuumada Soomaaliya, waxaana loo qabtay culimada Soomaaliyeed oo ka doodi doona arimaha ku aadan gabood falada gabdhaha iyo waxa Shareecada Islaamka ka qabto.

Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Aw-qaadta xukuumada Soomaaliya oo kulankaan daah furay ayaa sheegay in aad looga hadli doono xuquuqda Bini’aadamka gaar ahaan mida dumarka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay doonayaan in la hakiyo dhamaan dhibaatooyinka ay la kulmaan Haweenka, lana joojiyo arimaha gudniinka Fircooniga ah.

Qaar ka mid ah Culimadii kulankaan ka qeyb galay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dhankeeda laga doonayo in ay wax ka qabato dhibaatooyinka Hawenka oo ay ugu horeyso arinta ku aadan gudniinka Fircooniga ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News