U bood dhigaalka

Kulan Looga Tashanayo Hindisa sharciyeedka Axsaabta Dalka oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Dalka

kulankan oo  ahaa  wada tashiga qabya qoraalka Hindisa sharciyeedaka  axsaabta dalka ayaa socon doona mudo sadax maalin ah

Waxaa  ka soo qeybgalay  ku dhawaad 200 oo xubnood kuwaa oo ka socday xisbiyda ka jira, bulshada rayidka, Xildhibaanada, Xukuumadda iyo masuuliyiin madalaya maamul Gobaleed dalka, shirkan waxaa  soo Agaasintay wasaarada arimaha Gudaha ee xukuumada Soomaliya.

Waxaa Goobta shirka  ka dhacay  Hadalo ka jeediyaya xubno madalaya xisbiyada dalka  iyo xilibaano katirsan baarlamaanka Soomaliya iyo xubno ka socda bulshada rayidka.

Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha xukuumada Soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed  Xuseyn Odawaay waxa uu sheegay in wasaarada ay kaga Gol leedahay qabsoomida kulanka in dalka lagaarsiiyo  doorasho ay ka qeyb qaataan axsaabta ka dhisan dalka

Waxa uu xusay wasiirka oo hadlkaiisa sii wata  in wasaaradda Guulo lataaban karo ka gaartay dhisida iyo dhameestirka maamul Gobaleedyada  Dalka si  loo Hormariyo  Fadaraalka.

Wasiir odawaay ayaa waxa uutilmaamay in dalka aysan ka dhaceeyn Doorasho Qof iyo codkii balse kaalin wanaagsan  ay ka qaadan karaan hadii lahelo sharci hago  axsaabta dalka.

xubnaha Kulanka kasoo qeyb galay  ayuu wasiirka kula Dar daarmay in  kasoo saaraan  qodobo lagu Hormarin karo asxaabta ka dhisan dalka  si Doorashooyinka ugu qeyb qaataan

 

IMG_2978 IMG_2987 IMG_2998 IMG_3001 IMG_3009 IMG_3013 IMG_3051 IMG_3049 IMG_3048 IMG_3044 IMG_3032 IMG_3026 IMG_3022

Sawirka: Ibrahim Xaaji Yusuf, Goobjoog FM

Goobjoog News