U bood dhigaalka

Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo Kooram la’aan u baaqday

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta baaqday kulan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ka dib kooramkii loogu tala galay in kulanka uu ku furmu dhamaan waayay.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tagay xarunta golaha shacabka, hase ahaatee kulankii ayaa noqday mid aan qabsoomin, sida uu soo sheegay Wariyaha arimaha Baarlamaanka Goobjoog Fm C/fitaax Xasan Axmed Kalgacal.

Dhanka kale Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay sabab u tahay ka dib xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka oo aaday magaalada Baydhaba oo qaarkood horay u raacay Gudoomiye Jawaari.

Sida caadiga ah shaqada xildhibaanada Baarlamaanka waxaa loogu tala galay Sedax maalin oo kala ah Sabti, Isniin iyo Arbaco, halka maalmaha Axada, Talaadada iyo Khamiista loogu tala galay inay kulmaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.