U bood dhigaalka

Kulanka Golaha Shacabka Oo U Baaqday Kooram La’aan Iyo Jawaari Oo Digniin Bixiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Weriyaha Goobjoog News ee golaha shacabka Cabdifitaax Kalgacal waxaa uu sheegayaa in kulanka golaha shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan.

Xildhibaannada buugga xaadiridda saxiixay waa 104 Xildhibaan, waxaan hoolka joogay tiradaasi in ka badan, oo aan buugga saxiixin.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrinkaasi ka carooday ayaa ku hanjabay in uu Xildhibaannada yimid ee aan buugga saxiixin u diri doono warqad digniin ah sida uu qabo Xeer-hoosaadka, qodobkiisa 16aad, faqradiisa 5aad.

Xildhibaannada maanta hoolka yimid balse aan buugga saxiixin, waxaa u badnaa Xildhibaannada ka tirsan golaha wasiirrada.

Goobjoog News