U bood dhigaalka

Kulanka Wasiirada- Jubbaland Oo Looga Hadlay Arrimo Xasaasi Ah

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlay arrimo dhowr ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan dhaqaalaha, ammaanka iyo qodobo kale.

Wasaaradda haweenka Jubbaland ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Haweenka iyo sidoo kale shaqooyinka la xiriira horumarinta haweenka oo wasaaraddan ay waddo.

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa dhankeeda soo badhigtay sida ay deegaanka saameyn ugu yeelan karto dhagxaanta (Kaawada) ee dhulka laga qodob.

Sidoo kale, guddiga dhaqliga ayaa laga dhageystay warbixin dheer oo ku saabsan hanaanka kobcinta dakhliga waxaana laga sugayaa guddigan qorshe cusub oo ku saabsan kobcinta daqliga iyo hirgelintiisa.

Goobjoog News