U bood dhigaalka

Kulanka Xildhibaannada Hirshabelle Oo Ku Soodhamaaday Buuq Iyo Fowdo

Sheeko:Baarlamaanka

Kulankii Xildhibaannada Maamulka Hirshabelle kaasi oo ahaa Kalfadhiga 4-aad uuna shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku soo dhaamaday Buuq iyo Fowdo.

Kulanka ayaa maanta loo madalsanaa in Su’aalo lagu weydiiyo saddex Wasiir oo kala ahaa Wasiirka Beeraha, Wasiirka deegaanka iyo Xanaanada xoolaha.

Markii ay Xildhibaannada ay soo xaadireen waxaa uu goobta uga yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka guddi uu dhowaan Magacaabay kaasi oo loogu magac daray guddiga qiimeynta waxaana guddoomiye u ahaa Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame.

Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa markuu istaagay isaga oo doonayay in uu jeediyo Khudbad uu kaga hadlayay waxqabadka Xildhibaannada waxaa Hoolka is qabsaday buuq iyo Sawaxan ay sameynayeen Xildhibaannada qaar oo iyaga diidanaaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in dib loo dhigay kulankii Wasiirrada lagu weydiin lahaa Su’aalaha iasaga oo tilmaamay in xiliga su’aal weydiinta dib laga soo sheegi doono.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa maalmihii dambe waxaa ay wadaan kulamo isla xisaabtan ah kuwaasi oo Su’aalo lagu weydiinayo Wasiirrada Hishabelle waxaa ay qabteen inta ay joogeen waxaana maanta Miiska saarnaa saddex wasiir.

Goobjoog News