U bood dhigaalka

Kulankii Aqalka Sare Oo Kooram La’aan u Baaqdey Iyo Guddoomiye Xaashi Oo Si Kulul Uga Hadlay

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ajendaha loo ballansanaa lagu sheegay akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Xeer hoosaadka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaaney iman inta badan Senetorrada.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee aqalka sare Maxamed Salaad, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa si kulul uga hadlay maqnaashiyaha xildhibaannada isaga oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada qaar ay subax hore yimaadaan, qaarna iska jiiftaan iyaga oo shaqo u taallo.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah waxaa horyaallo hindise sharciyeedyo badan, hadda ayuuna ka soo laabtay fasaxii Radamaanka iyo ciidda, waxaase dhacday in qaarkood iska maqnaanaadaan.

Goobjoog News