U bood dhigaalka

Kulankii Baarlamanka Federaalka oo Maanta Buuq Ku soo Dhamaaday

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa buuq ku soo dhamaaday kadib markii la isku mari waayay ansixinta Ajandaha kulanka.

Baarlamaanka ayaa kulankiisa waxa uu ahaa kalfadhigii 8-aad kulankiisii 2-aad, waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad Jeylaani Nuur Iikar, waxaana soo xaadiray xubno gaaraya illaa 144 xildhibaan.

Ajandaha xubnaha la horkeenay ayaa ka koobnaa qodobbo xasaasi ah , u codeynta Mooshinka hakinta Maamul u sameeynta labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeelle, Doodda Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Axsaabta Siyaasadda, Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka ka hortagga Walxaha Qarxa, iyo Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka la dagaallanka Argigixisada.

Shirku markii uu furmay ayaa xubnaha baarlamaanka waxaa laga codsaday iney ansixiyaan Ajandaha kulanka, xidhibaanada ayaana ku kala qeybsamey ansixinta ajandaha oo qaarkood ay soo jeediyeen in dib loo dhigo kulanka, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay tacsi qaran u taallo, dhallinyaro Soomaaliyeed ku halligmeen badda, waana sida uu xubnaha ka hor sheegay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf.

Ugu dambeyn, shir guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu shirku xiran yahay maadaama lagu kala jabay ansixinta Ajandaha kulanka, codna lagu kala bixi waayay.

Goobjoog News