U bood dhigaalka

Kulankii Golaha Shacabka Oo Furmay Iyo Xukuumadda Oo La Horgeeyay Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa goor dhow waxa uu kulan uga furmay xaruntooda magaalada Muqdisho, iyadoo maanta kulankaasina Labo ajende looga hadlayo.

Kulanka xildhibaannada soo xaaddirtay waa 241 mudane, waxaana shir guddoominaya C/weli Ibraahim Sheekh Muudey, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ah kalsooni siinta xukuumadda cusub ee Kheyre iyo sidoo kale dhageysiga iyo qeybinta barnaamijka xukuumadda cusub.

Xildhibaannada ayaa markii hore ku kala aragti duwanaa in isla maanta codka kalsoonida ah loo qaado balse arrintaasi waxaa la geliyey cod.

220 mudane ayaa u codeysay in isla maanta codka loo qaado xukuumadda Kheyre, waxaa diidday 14 halka inta kale ay ka aamuseen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hadda waxa uu akhrinayaa barnaamijka xukuumaddiisa, waxaana markii uu dhammeeyo codka loo qaadi doonaa xukuumaddiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News