U bood dhigaalka

Faahfaahin:Kulankii Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelle iyo Qodobadii Lagu Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Kulan maanta Sabti ah August 8, 2015-ka ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana looga hadlayay sidii maamul loogu sameeynayay Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob.

kulanka waxaa ka soo qeyb galay Xasan Sheekh Max’uud iyo qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada uu ugu horeeyo Wasiirada arimaha gudaha iyo Federaalka, waxaa kaloo ka soo qeyb galay Wakiillada IGAD iyo AMISOM.

Shirka oo ka dhacay Villa-Hargeysa ayaa waxaa laga soo saaray 12 qodob oo lagu heshiiyay waxaana ka mid ah:

  1. in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
  2. in dhismaha maamulka ay ka qeyb galaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
  3. in la qabto Shirweyne ay u dhan yihiin dhamaan  Beelaha Labadan Gobolda Shabeelee iyo Hiiraan si loo dhiso Dowlad goboleed ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
  4. in la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban 31 oo ka socda dhamaan beelahas, Guddigaas Farsamo waxaa lagu soo magacaabi doonaa 14 Cisho Gudahood marka la saxiixo Heshiiskan.
  5. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhamaan beelaha dega labadaas gobol waxaa uu u howl galayaa si wada jir ah ,in loola dagaallamo Nabad diidka Gobolladaas, Laguna soo dalaabo Nabadna iyo xasilooni labada gobol.
  6. Geeddi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameeystirayaan 60Maalmood, waxaana fududeeynaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
  7. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah Xaqiijinta, meel marinta, taabbo gelinta heshiiskan, iyo bixinta wixii tasiilaad ah.
  8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga Farsamada waxaa soo diyaarinaya Xukuumadda Federaalka ah, kuna soo  celinayaa saxiixayaasha.
  9. Ciddii alla ciddii carqaladeysa hannaanka ggedi u socodka habdhismaha maamulka waxaa looa qoonsanayaa qaswade waxaana laga qaadayaa tallaabada ku haboon.
  10. Heshiiskan waxaa wada jir u saxiixaya Guddoomiyayaasha Labada Gobol iyo 12 Wasiir oo ka soo jeeda labadaas gobol.
  11. saxiixayaasha heshiiskan xiriir lama laha habka awood qeybsigu noqon doono.
  12. saxiixayaasha waxaa ay saxiixooda ku caddeynayaan waafaqsanaan tooda maamul goboleed ay yeeshaan dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Dhamaad: