U bood dhigaalka

Kulbiyow: Cudurka Jadeecada oo soo ritay dad ka badan 40 qof (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbadda hoose ayaa daboolka ka qaaday in xanuunka jadeecada in uu soo ritay ku dhawaad 40 qof oo ku nool magaaladaasi.

Guddoomiyha Kulbiyoow Maxamed Muxumad Ismaaciil oo u xog waramay GoobJoog FM ayaa ku tilmaamay xaalada caafimaad ee deegaankaasi in aad ay u liidato isaga oo intaa daba dhigay in ay jiraan xaalado biyo la’aaneed oo ka taagan deegaankaasi.

Si gaar ah ayuu u sheegay guddoomiyha deegaanka Kulbiyow in dhibaato ay uga taagantahay helida biyo nadiif ah oo dadku ay cabaan waxaana uu ka dalbaday maamulka ku-meel gaarka ah ee Jubba iyo dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya in gurmad bini’aadanimo ay gaarsiiso dadka ku nool Kulbiyow.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Muxumad Ismaaciil: