U bood dhigaalka

Kumanaan Qof Oo Ka Barakacaya Magaalada Fallujah Ee Ciraaq

Sheeko:Dalka

Tobanaan kun oo shacab ciraaqiyiin ah ayaa isaga cararaya magalada dagaalku uu ka socdo ee Fallujah halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Ciraaq iyo xoogaga Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Siiriya.

Saddex maalin oo uu dagaal culusi socday waxa ay sababeyn in 30,000 oo ruux oo rayid ah ay isaga qaxaan magalada Fallujah, kuwaas oo biirinaya dad ka badan 32,000 oo horay uga cararay magaladda tan iyo markii IS ay ka saartay magaladda Militariga Ciraaq sida laga soo xigtay urur samafal oo ka dhisan dalka Norwey oo lagu magacaabo NRC.

Magaladda Fallujah oo muddo bilo ah hareereysnayd xaalad adagna ay ka jirtay ayey tani uga sii dareysa sida ay ku waramayaan hay’addaha gargaarka ee ka howlgala dalka Ciraq.

Qof goobjoog ah ayaa laga soo xigtay in dadku ay ku noolaayeen meelaha qaar Timir quruntay, calafka xoolaha iyo biyaha webiga, kuwaas oo aan la cabi karin.

In kabadan 300 oo ciidamo Ciraaqiyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Fallujah Labadii maalin ee ugu dambeysay halka ciidamada dalka Ciraaqna ay sheegteen in ay dileeen 500 oo ka tirsan dagaalyahanadda Daacish.

Magaladda Fallujah ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii ugu horreeyey ee ku dhaca gacanta kooxda Daacish sanadkii 2014, waana magaallo istaraatiiji ah iyadoo aad ugu dhow magaalada Baqdaad ee caasimadda Dalka Ciraaq.

Dad ka badan 3.4 million oo Ciraaqiyiin ah ayaa dalkooda ku barakacay tan iyo 2014, sida laga soo xigtay  UNHCR, oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Goobjoog News