U bood dhigaalka

Kumanaan Qoys Oo Ka Barakacay Abaaro Ka Jira Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanno kamid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in dadkii deganaa degaannadaasi ay isaga hayaamayaan iyagoo gaaraya degaanno kale oo isla gobolkaasi ah iyo gobolka Sanaag oo xuduud ay wadaagaan.

Degaannada ay gaareen qoysaskaan waxaa ka mid ah degaannada Bari ee gobolka Sool halkaas oo laga dareemay roobabka xilliga deyrta oo ku hooray in muddo ah kadib.

Degaanno dhanka kale galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay isaga barakaceen qoysaskii deganaa iyo xoolahoodii.

Cabdullaahi Aadan  oo kamid ah dadka degaannada galbeed ee Laascaanood ka soo barakacay ee  gaaray dhanka bari ee isla Laacaano ayaa u sheegay Goobjoog News in abaaraha darani ay salfadeen nolosha xoolo badan islamarkaana dadka aysan heli Karin biyo ay cabaan iyo wax ay cunaan intaba.

Degaannada waqooyi ee Soomaaliya ayaa weli waxaa ka jira abaaro daran oo illaa bariga iyo galbeedka waqooyi laga soo sheegayo kuwaasoo saameyn aan yareyn ku haya nolosha dadka iyo duunyada.

Goobjoog News