U bood dhigaalka

Kumuu Ahaa Ciyaaryahankii Ugu Horeeay Ee Qaatay Diinta Islaamka Kana Dheela Horyaalka Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Tiro badan oo ciyaartooy ah kana soo jeeda wadamada qaarada Afrika ayaa sanadihii laga soo gudbay si weyn ugu soo muuqanayay safafka kooxaha kubbadda cagta,iyagoo kuwa qaar horomar kala gedisan la sameeyayo naadiyadooda intii ay joogeen,balse hadafka arintan waxaa bilaagedda lahaa guddoomiyaha naadiga dowladda hoose Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo noqday shaqsigii dalka keenay laacibiin kasoo jeeda isla qaarada.

Ciyaartooyda kala duwan ayaa sanadihii lasoo dhaafay u dheelay naadiga Muqdisho City Club,inkastoo badankooda ay ugu soo ciyaareen magacii hore ee kooxda ee ahaa Banaadir Sports Club waxayna badankooda doorka wanaagsan kasoo qaateen tartamadii gudaha iyo dibadda oo ay kooxdooda kala qeyb galeen,iyagoo noqday kuwa ka tilmaaman ajaanibta kale ee lagu arkay kubbadda cagta Soomaaliya sida sheegayo guddoomiye Abuukar marka loo eego hanashada tartamada kubbadda cagta Soomaaliya.


Maxamed Marcell,isagoo kirishtan ah ayuu Soomaaliya yimid maamulka kooxdeena ayaa da’daal iyo waqti dheer ku bixiyay fahansiinta diinta Islaamka Alx maanta waa qof muslim si nabad ah ay dalkiisa ugu laabtaa waan waxyaalaha ugu waaweyn ee aan horay u qaadany” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club mudane Abuukar Maxamed Sheekh.

Xariirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku amaanay maamulka naadiga Muqdisho City Club fikradaha halbuurka leh ay kusoo kordhiyeen kubbadda cagta dalka,iyagoo wax badan ka badalay xeerka iyo sharuudaha xidigaha ajaaninbta ee ka dheelaya Soomaaliya sida uu Goobjoog markale u sheegay guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club mudane Abuukar Maxamed Sheekh.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Korarka Ciyaaryahanada Ajaanibta Ee Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/417308092250192/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle