U bood dhigaalka

3 Kursi oo Golaha Shacabka ah Ayaa Maanta Lagu Doortay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta la doortay Saddex xubnood oo ka mid noqonaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa hadda ka harsan kursi kaliya doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada Waqooyi.

Waxaa la doortay, Maxamed Cali Xagaa, Zaynab Maxamed Caamir, Maxamed Cabdullaahi Kaamil oo maanta lagu doorta xarunta doorashooyinka ee magaalada Muqdisho.

Sida Loogu kala Guuleystay Kuraasta:

Kursiga 1-aad

  1. Maxamed cali Xagaa: 50
  2. Maxamed Iidle Kheyre: 1

Kursiga 2-aad

  1. Zaynab Maxamed Caamir:48
  2. Zaynab Axmed Boqorre: 3

Kursiga 3-aad

  1. Maxamed Cabdullaahi Kaamil: 50
  2. Jibriil sacad Muuse :1

Xubnaha Somaliland ee gobollada Waqooyi ayaa waxaa hadda ka harsan 1 kursi oo qura, kuraastii aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka koobnaa 46 xubnood.

Goobjoog News