U bood dhigaalka

Kursi Golaha Shacabka oo La Diidayo In La Raro Deegaan Doorashadiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Bayaan goordhow kasoo baxay cidda iska leh kursiga golaha shacabka ee BF, Numberka yahay 00124 ee hadda uu ku fadhiyo matalaaddiisa xildhibaannimada Cabdiraxman Kulmiye Xersi Dheere ayaa diiday in doorashada kursiga laga wareejiyo Kismaayo oo la geeyo gobolka Gedo iyaga oo farriin u diray madaxda dowladda dhexe iyo kuwa Jubbaland, waxaa sidoo kale ee Dheere ku eedeeyeen waxqabad la’aan iyo inuu kursiga isku dhejinayo.

Bayaan

Ku:  Guddoonka Golaha Shacabka

Ku: Guddoonka Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda –Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Ku: Raysulwasaaraha  Jamhuuriyadd- Xasan Cali Khaire

Ku: Taliyaha Nabad sugidda Qaranka- Fahad Yasin

Ku: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Mohammed Islaam (Ahmed Modobe)

Ujeedo: Caddayn Khalad astayn Kursi 00124

Kursiga summaddiiso tahay  00124 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirxmaan Kulmiye Xirsi Dheere dadka lagu matalo waxaa degaan doorasho  u ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Kismaayo.  Sida ku cad  qodobka koobaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka nidaamka dowliga ee dalku wuxuu ku dhisanyahay matalaad iyo caddaaladda ijtimaaci ah. Haddaba, waxaa khalad ah in kursi dhan  loo raro deegaan doorasho aan kiisii ahayn si aan waafaqsanayn dastuurka, deegaan doorashada, xuquuqda,  iyo rabitaanka dadka lagu matalo kursiga.

Arrintan khaladkeeda koobaad iyo ceebteed waxaa iska leh Guddiga Diyaarinta  Sharciga Dhammaystirka Doorashooyinka Qaranka. Si gaar ah waxaa u ceebaysan guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Ibrahim  Isaq Yarow oo runtii muujiyay sida uu ugu nugul yahay Musaqa iyo xilkisanimad la’aanta markii mas’uuliyadda qaran  la saaray. Sidoo  kale, baaritaan aan samaynay waxaan ogaanay in ay  jiraan kuraas kale oo loo raray degaan doorasho aysan lahayn. Arrintan waxay marqaati ka tahay  in hannaanka dowliga ah uu wali ku socdo qowlaysi , musuqna maherid u noqday.

Haddaba, annaga oo ah dadka  kursigan lagu matalo , deegaan doorashadiisuna tahay  Degmada Kismaayo, waxaan guddoonka Golaha shacabka iyo  guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka Qaranka  ka codsanaynaa in si degdeg ah kursiga loogu asteeyo deegaan Doorashadiisii.

Dhinaca kale, Madaxada Qaranka ee hadda talada haysa sida Madaxweynaha, Raysulwasaaraha, iyo taliyaha Nabadsugidda waxaan u soo jeedinaynaa in ayna Cabdirxmaan Dheere dulmi iyo arrin caqliga, iyo hannaanka dowliga ah ka soo horjeedda ku taageerin.

Si gaar ah Madaxweyanaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo markasta u janjeera dhinaca shacabka waa in uu garoowsdaa baaqan, dibna u eegaa sooyaalka Cabdirxmaan Dheere iyo qofka uu yahay.

Cabdirxmaan Dheere: Mudane Cabdirxmaan Kursiga muddo dheer ayaad ku fadhiday oo seddex kal ah. Kursigu wuxuu kaa mudnaa in aad danta dalka iyo dadka aad matasho ugu adeegto . Nasiib darro, midna maadan ku qabanin. Sidoo kale, dad ayaad ku dhibaatayso oo kalkii ugu danbeeyay kursiga dhiig ayaad ku gashay.

Maanta ma ahayn in aad tirahaado kursiga gobol iyo degaan uusan lahayn ayaan gaysanayaa adiga oo og xaqiiqada ah sida dadka aad matasho kaaga quusteen. Kursiga 00124 ma ah hanti shaqsi ah ee waa mataalad bulsho.

 

Goobjoog News