U bood dhigaalka

Kuubba iyo Aljeeriya: Gacmo Isdhaafay ayuu Gacal ka Dhashaa!

Sheeko:War

Marka dalku haysto wax uu ku gorgortamo, oo tacab ka galay, isla jeerkaasna uu garanayo danihiisa iyo halka ay ka xigaan, wuxuu leeyahay fursad uu ku fushan karo wixii uu u baahdo isaga oo aan eegayn “cidda” ee eegaya “waxa”.

Tusaale ahaan, dalka Kuubba wuxuu soo saaraa adeedyada caafimaad ee dunida ugu wanaagsan midkood, wuxuuna taa u isticmaalay kaadh dhaqaale ahaan. Saliidda qaydhin oo uu ka heli jiray dalka Fenesuweella—oo iminka baaxaaddeg dhaqaale halakeeyay—ayaa suququl kaga dhacay. Dabadeed, isaga oo adeegsanaya kaysada dhakhaatiir ee uu haysto, wuxuu heshiis muddo dheer soconaya la galay dalka Aljeeriya, oo hodan ku ah saliidda qaydhin baahi weynna u qaba dhakhaatiir jaban.

Beryahan waxa dalka Aljeeriya ka taagnaa qalalaase ka dhashay go’aan ay xukuumaddu ku gaadhay in ardayda jaamacadaha dhammeeyaa ay 4-5 gu’ qaranka u shaqeeyaan inta aanay shahaadada qaadan, oo aanay shaqo tegin. Go’aankan waxa ka gedooday, oo shaqajoojin ku dhawaaqay, ururka dhakhaatiirta dalka. Aljeeriya oo ka yaabban dhakhtar-yaraantaa, ayay heshay Kuubba oo ka werwersan khalkhalka Fenesuweella. Dabadeed, heshiiskan ayaa soo degdegay. Dhakhaatiir badan oo tayadii Kuubbaanka leh aniga ayaa kuugu roonaanaya e, adiguna saliidda qaydhin ila soo gaadh, oo ii noqo il kale oo aan isku halleeyo: Heshiiskaa ayay galeen. Hirgelintiisii ayaana hadda meelmar ah.

Aljeeriya iyo Kuubba waxay leeyihiin xidhiidh dheer oo dib inoogu celinaya gobannimaddoonkii Aljeeriya. 1963, Maalintii Madaxbannaanida ee Aljeeriya, ayay Kuubbada Shuucigu hoggaamiyaa u soo dirtay dhakhaatiir wax la qabta dawladda iminka uun xorta noqotay ee Aljeeriya. Halkaas ayuu xidhiidhka wanaagsani ka soo dabqaatay, isaga oo salka ku hayay in labada dalba ay ku xoogganaayeen fekradda bidixdu.

Heshiiskan ay labada dal galeen, oo dhaqangalkiisu haddeerba dabbaqmayo, waxa uu ina xasuusinayaa muhiimadda ay leedahay in dalku aqoonsado awooddiisa, danihiisa, iyo tabta uu awooddiisa uga dhigi karo mid u adeegta danihiisa. Dhakhtarrada Kuubba iyo saliidda qaydhin ee Aljeeriya halkan waa awooddii; in Kuubba hesho saliid qaydhin iyo in Aljeeriya hesho dakhtarro badanna halkan waa danihii. Labada dalna waxay ku guulaysteen in ay labadooda awoodood u adeejiyaan labadooda danood, dabadeedna halkaa ay ka dhalato: “gacmo isdhaafay ayuu gacal ka dhashaa!”—

Warka heshiiska ka tixraac: https://www.middleeastmonitor.com/20180202-cuba-to-exchange-doctors-for-crude-oil-from-algeria/

W/Q: Cabdicasiis Mahdi Guudcadde,  Email: [email protected]

Qoraallada ku soo dir: [email protected]