U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaal Tijaabisay

Sheeko:Dalka

Kuuriyada waqooyi  ayaa waxay tijaabisay gantaal uu nuuciisu yahay ballistic missile sida ay sheegtay dalka ay dariska yihiin ee Kuuriyada Koofureed.

Wakaaladda wararka ee dalka Kuuriyada Koofureed ayaa waxay sheegtay in gantaalkaan laga riday gobolka xeebta u dhow ee waqooyi galbeed ee dalkaasi.

“Tijaabada waxaa ay ka dhacday gobolka Kusong oo ku yaalla waqooyi beri caasimadda  Pyongyang, halkaas oo horay gantaallo kale looga tijaabiyay”, sidaasi waxaa NBC News u sheegay sarkaal Mareykanka ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay is dabajoog ay u tijaabisay gantaallo taasi oo keentay inuu kordho xiisadda u dhaxeysa Kuuriyada waqooyi iyo Mareykanka.

Xukuumadda Pyongyan ayaa dardar-galisay inay joogta ah ay u tijaabiso barnaamijkeeda ku aaday hubka Nukleerka sanadihii ugu dambeeyay balse dhinaca kale waxay la kulmeysay cambaareyn caalami ah oo kaga imaanaysay dhanka caalamka.

Kuuriyada waqooyi ayaa bishii la soo dhaafay waxay tijaabisay labo gantaal oo nuuca ridada dheer ah balse waxay noqdeen kuwo dhicisooba.