U bood dhigaalka

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaallo Cusub

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha waddanka Japan Shizo Abe ayaa waxa uu sheegay in Kuuriyada waqooyi gantaallo ay tijaabisay ay ku dhaceen biyaha badda Japan.

Gantaaladaan ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi ayaa waxay gaarayaan afar gantaal oo ka sameysan palaastiiga, kuwaas oo saddex kamida ay ku dhaceen gobol caan ku ah ganacsiga oo ku yaallo Japan.

Gantaaladaan ayaa waxay jareen masaafo dhan kun KM, Saraakiisha ciidamada waddanka Kuuriyada Koofureed ayaa waxay sheegeen in gantaaladaan laga Soo riday gobolka Tangchan-ri oo u dhaw xaduudka ay wadaagaan Kuuriyada waqooyi iyo Japan.

Qaramada midoobay ayaa horay waxay uga mamnuucday Kuuriyada waqooyi inay tijaabiso wax gantaal ah iyo inay adeegsato tiknoloojiyadda nukleerka intaba.

Kuuriyada waqooyi ayaa waxay sheegtay in bishii la soo dhaafay ee febraayo ay ku guulaysatay inay tijaabiso gantaalada rida dheer, arrintaas ayaa waxaa cambaareeyay wadamada Maraykanka,Qaramada midoobay,Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

Japan ayaa waxay walwal ay ka muujisay hawlaha tijaabinta gantaalada ee ka socda gobolka Tangcha-ri, halkaas oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee dayax gacameedka.

W/Q: Jaamac Shidane