U bood dhigaalka

Kuwait: Dowladda Federaalka Ah Waa Iney Abuurtaa Xaalad Doorasho Ku Dhici Karto 2020

Sheeko:Amniga

Kuwait ayaa la sheegayaa iney golaha ammaanka ee qaramada midoobey ka hor cadeysan iney muhiim tahay in la taageero madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Arrintan waxaa kulanka golaha ammaanka ka sheegay Nawaf Al-Axmad oo ka tirsan xubnaha dalka Kuwait u matalada UNka.

Axmed waxaa uu golaha ugu baaqaday sidoo kale iney sii wadaan taageerada siyaasadeed iyo midda kale ee ay siiyaan dowladda federaalka ah.

Ergayga Kuwait waxaa uu dowladda federaalka ah ku ammaanay iney diyaarineyso xaalad dalka ugu dhici karto doorasho 2020-2021 iyo iney ka adkaato dhammaan caqabadaha dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee arrinkaasi ka hor iman karo.

Goobjoog News