U bood dhigaalka

Dhageyso: Kuwait Oo Deeq Gaarsiisay Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowladda Kuwait ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiisay maamulka Somaliland.

Diyaarad nuuca dagaalka ah oo deeqdaasi raashinka ahi waday ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Deeqdani ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka iyo duunyada oo ay abaaruhu ku asiibeen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya oo meelaha qaar la soo sheegayo in dad iyo duunyo u dhimanayaan harraad iyo gaajo.

Garoonka Berbera oo diyaaraddani dagaal ay ka dejisay deeqda mucaawinnada ah waxaa halkaa ku guddoomay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo xubo kaloo ka tirsan qolyaha xisbiyada mucaaradka ah.

Wasiirro ka tirsan maamulka Somaliland, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale oo dowladda hoose ee Berbera ka tirsan ayaa halkaa ku soo dhoweeyay diyaaradda siday mucaawinnada.

Abaarta ka jirta gobollada waqooyi ayaa saameyn ku yeelatay nolosha caadiga ah ee ka jirta magaalooyinka dalka wallow gobollada qaar ay si wanaagsan ugu hooreen raxmadda Eebbe halka kuwa kalena la rajaynayo inay ka curtaan roobabkii la sugayay.

Hoos ka dhageyso warbixinta oo maqal ah Maxamed C/laahi Maxamed

Mawduucyada:Gobollada