U bood dhigaalka

Kuwait Oo Qaban Doonta Shir Lagu Taageerayo Waxbarashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ururka The Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization (ALECSO) ayaa jimcihii ku dhawaaqay in sanadka soo socda ay Kuwait martigelin doonto shir ay isugu imaanayaan maalgeliyaal badan oo caalamka kaas oo lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya.

Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa arrintaas ka sheegay shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay dalka Mauritania.

Agaasimaha  ALECSO’s Dr. Abdullah Al-Muhareb ayaa sheegay in shirkaas lagu wado in la qabto doorashada Soomaaliya kadib, shirkaasina waxaa uu ka dhici doonaa dalka Kuwait.

Issam Al-Jamea oo wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya ururka The Arab League Educational, Cultural and Scientific Organization (ALECSO) ayaa soo dhaweeyay hadalka amiirka Kuwait.

Goobjoog News