U bood dhigaalka

Laamaha Ammaanka Gaalkacyo Oo Ganacsatada Sicir Bararka Wada Digniin U Diray

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa xabsiga dhigay dad lagu eedeeyay inay sicir barbar ku abuureen Suuqyada ganacsiga ee Magaalada .

Howlgal ay si wadajir  u sameeyeen ciidanka Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ganacsatada oo lagu eedeeyay in wadeen falal la xiriira sicir barar.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Galmudug Cabdi jaamac Cabdulle ayaa sheegay inay digniin u dirayaan ganacsatada ku howlan sicir bararinta Suuqa.

“Dadweynaha waxaan ugu baaqeynaa inay ka fee jidnaadaan Sicir bararka gaar ahaan waxaan la hadleynaa ganacsatada iyo nimanka sariflayaasha waxaan leeyahay haka fogaadaan waxyaabaha qaadicul dariiqnimada ah taasi oo dadka danta yar lagu dhacaayo”.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu Shacabka ugu baaqay in Saldhigga Booliska ay la soo socodsiiyaan ciddii ay ku arkaan inay Sicir barar ay ka wado Suuqa.

Goobjoog News