U bood dhigaalka

Laamaha Ammaanka oo La Shaqeyn Doona Waaxda Nadaafadda Banaadir

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyey in laamana ammaanka ee dowladda ay la shaqeeyaan waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir si kor loogu qaado bilicda magaalada Muqdisho oo aad looga deyriyey.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo kulanka kadib hadlay ayaa yiri Maanta laga bilaabo Muqdisho uma dulqaadan doonto nadaafad xumo ee dhamaan waxaa lagu amray hey’adaha ammaanka iney kala shaqeeyaan waaxda nadaafada isla markaana la ganaaxi doono cidii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa laamiga”.

Nadaafad xumada ka jirta meelo badan oo magaalada Muqdisho ah ayaa ka sokoow caafimaad darada ka dhalanaysa waxaa sidoo kale marar badan ka dhasha falal amni daro ah, iyada oo qashinka lagu duugo bambaanooyin.

Waxaa wax caadi iska ah in dadka ay qashinka ku shubaan dariiqyada iyo goobaha ganacsiga hortooda, hase yeeshee gobolka Banaadir waxa uu sheegayaa in hadda kadib dadkaasi la ganaaxi doono, balse lama caddeyn inta uu la egyahay ganaaxa.

Marar badan oo hore ayuu maamulka ka hadlay nadaafadda, balse ma jiraan wax la taaban karo oo joogto ah oo laga qabtay nadaafadda, iyada oo ololeyaal isdaba joog oo la qaaday ay natiijo wanaagsan dhali waayeen.

Goobjoog News