U bood dhigaalka

Laanqeyrta Cas: 40% Dadka Soomaaliyeed Waxay Waajahayaan Abaar Baahsan

Sheeko:Dalka

Laanqeyrta Cas oo war ka soo saartay xaaladda abaarta Soomaaliya ayaa ka digtay in 40% dadka Soomaaliyeed ay waajahayaan xaalad abaarteed gurmad degdeg ahna ay u baahan yihiin.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ayaa sheegay in abaartu ku baahday wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyadoo 11 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin iney gaajo u dhamaadaan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Laanqeyrta Cas Jimcihii ayaa lagu sheegay, “Abaarta hadda waa tii ugu xumeyd laga soo bilaabo sanadkii 2011, Soomaaliya ayaana ugu daran iyadoo 40% dadkeedu ay waajahayaan khatarta ah iney gaajo u dhamaadaan”.

Laanqeyrta Cas ayaa carrabka ku adkeysay in gurmad degdeg ah lala gaaro, saddexdaa  dowladood ee ay abaartu ku sii baahayso.

Dhanka kale, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa ay ka jirto abaar baahsan, roobab yaraan saddex sanno ah oo dalkaa haysatay awgeed, “Abaartu waxay saameysay 23 gobol oo Kenya ah, waxay gaajo la ildaran 3.7 milyan oo muwaadin”.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dowladaha ay saaxiibada yihiin iney dalkiisa la soo gaaraan kaalmo degdeg ah si wax loo gaarsiiyo dadka ay abaartu habsatay.

Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka doonayay iney ka baayacmushtaraan dadka abaartu haysto, isagoon wax faahfaahin ah ka bixin waxa uu arrintaa ulajeedo.

Wadajirka hay’adaha Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee loo yaqaanno (IFRC) ayaa sheegay iney u baahan yihiin  13 milyan oo doolar Maraykanka oo gurmad degdeg ah si ay u taakuleeyaan ku dhowaad 475,000 oo qof oo ay la soo gudboonaatay gaajo daran wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

Goobjoog News