U bood dhigaalka

Laascaanood: Beeraleyda Oo Bilaabay Tacbashada Dalagga

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah xoolo dhaqatadii ku xoolo beelay abaartii dalka ka dhacday ayaa deegaanno ku yaalla galbeedka Laascaanood waxay ay ka bilaabeen tabcashada beeraha.

Dadkan ayaa sheegay in haddii ay xoolo beeleen ay hadane ku fekereen in beero ay tabcadaan si noloshooda u maareeyaan.

Deegaanka Xergega eek u yaalla galbeedka Laascaanood ayey dadkan ka bilaabeen tacbashada dalagga beeraha Maadaama ay ku xoolo beeleen abaartii ka dhacday dalka, iyaga oo tilmaamay in tacbadashada beeraha ay ku maareyn doonaan noloshooda.

C/risaaq Bootaan oo Madax u ah urur ka shaqeeya horumarinta beeraha iyo deegaanka oo ka dhisan degmada Laascaanood ayaa Goobjoog News u sheegay in dadkan oo horay u ahaa xoolo dhaqato haatanna ah beeraley ay deegaanka waxbadan ku soo kordhiyeen kuwaasi oo Maareynaya nolol Maalmeedkooda.

Waxaa uu intaas ku daray in ka urur ahaan ay ka warqabaan dadkaasi marar badanna ay caawiyeen dadkan maadaama ay la yimaadeen hal abuur iyo fikrad wanaagsan.

“Dadkan waxaa ka dhamaaday xoolihii qofka markii ay ka dhamaadaan xoolaha waxaa uu la imaanayaa fikrad uu ku maareynayo nolol Maalmeedkiisa, dadkan waxaa ay sameeyeen wax fiican waxaa ay sameysteen beero maadaama dhulka uu leeyahay beero”.

Deegaanka Xargaga waxaa ku yaalla tog weyn oo biyo leh waxaana dadka halkaasi ku nool ee xoolo dhaqatada ah ay bilaabeen in ay ka sameystaan beero.

Goobjoog News