U bood dhigaalka

Laascaanood Oo Laga Sameynayo Howlgal Waddo Baneyn Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda hoose ee Laascaanood ayaa fulisay howlgallo lagu baneynayo waddooyin ay dhisteen dad shacab ah.

Xaafadda Sayid Maxamed C/lle Xasan oo ku taalla bariga magaaladaasi ayuu howlgalkaan intiisa badan ka dhacay.

Mas’uuliyiinta dowladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa sheegay in howlgalkan lagu baneynayo ku dhowaad saddex waddo isku socodka dadka iyo gaadiidka muhiim u ah kuwaasi oo xirnaa Muddo dhan 10 sano.

Guddoomiyaha degmada Laascaanood C/Caziiz Xuseen ayaa Goobjoog News uga warramay howlgalkan “Halkan waa xaafadda Sayidka waxaan ka bilownay howlgal waddo baneyn ah waddo baneynta waxaa ay ka mid tahay bilic soo celinta Magaalada, waxaan dad u sheegayaa in Meesha ay tahay Magaalo loona baahanyahay in la soo celiyo bilicdeeda howlgalka waa uu sii socon doonaa qof aan Fasax ka heysan dowladda hoose wax ma dhisan karo qofkii dhista waa laga duminaa”.

Dowladda hoose ee Laascaanood ayaa dhowaanahaan waxaa ay waday howlgallo lagu baneynayo waddooyinka xiran, sidoo kale dowladda hoose waxaa ay bilaabtay jarista dhirta ku soo badaneysa Magaalada dhexdeeda.

Goobjoog News