U bood dhigaalka

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Maanta Ka Hadlay Dagaal-ka Sool

Sheeko:Baarlamaanka

Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waa golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa maanta si gooni-gooni ah uga hadlay dagaalka ka socda koonfurta Sool.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ka hadlayey furitaanka kulanka 1aad, kalfadhiga 4aad ee golaha ayaa baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalaya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya isaga oo soo-jeediyey in la dhex-galo, lagana shaqeeyo nabadda.

Senator Cabdi Xaashi ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in xilligan la daadiyo dhiig shacab badalkii nabada laga shaqeyn lahaa,wuxuuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka u joojiyaan,islamarkaana wax walba ku xaliyaan miiska wada hadalka.

“ Waxaan tacsi u dirayaa Ehalada dadkii ku dhammaaday deegaanka Dhumay,waa nasiib daro in xilligan dagaal sokeeye oo dad walaalo ah u dhaxeeyo soo cusboonaado,waxaan u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka iney u istaagaan sidii dagaaladaasi lagu joojin lahaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka sare oo hadalkaan ka jeediyay shirka Guud ee Golaha Aqalka sare oo maanta ka dhacay xarunta Golaha.

Aqalka sare waxaa sidoo kale maanta laga hor akhriyey warbixin la xiriirta waxqabadka muddadii uu fasaxa ahaa golaha aqalka sare, iyada oo waxyaabihii la sheegay ay ku jireen dhex-dhexaadinta labad heer maamul ee dowladda Soomaaliya, kulamada guddiyada joogta ah, kulamo gaar oo dhex-maray guddoomiyaha aqalka sare iyo hey’ado caalami ah, waxaana sidoo kale la soo bandhigay qorshaha kalfadhigan oo ay ku jiraan fidinta gogol wadaxaajood oo la xiriira arrimaha dastuurka, dhameystirka hindise sharciyeedka biyaha, guddiga madaxabannaan ee la-dagaalka musuqa, xoojinta kor-joogteynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulankii maanta xildhibaannada u akhriyey qoraal arrintan la xiriirta “Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu aad uga xunyahay colaadda soo noqo-noqotay ee beelaha walaalaha ah ee koonfurta gobolka Sool, goluhu waxuu ugu baaqayaa beelaha walalaalaha inay degdeg u joojiyaan colaaddan, guluhu wuxuu codsanayaa ismmada, culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay degdeg ugu howl-galaan sidii loo joojin lahaa isla markaana loo nabadeyn lahaa beelahaasi wada dega koonfurta gobolka Sool, ugu dambeyntii goluhu wuxuu soo-jeedinaya xukuumadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada inay kaalin mug leh ka qaataan

Dagaal aano qabiil ku saleysay ayaa maalmahan ka socday deegaanka Dhumay ee koonfurta Sool, inta la xaqiijyey khasaaraha waxaa uu ku dhowyahay 40 dhimasho ah.

Gooboog News